Soomaaliya oo shir Amni ku qabaneysa New York
NY December 12, 2023 (QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay martigelin doonto kulan ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaasi oo looga hadlayo xaaladda amni ee Soomaaliya, dib u habeynta ciidamada, horumarinta sirdoonka iyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa shir guddoomin doona kulanka.
Wakiilo ka kala socda 26 dal, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb galaya shirka. Wada xaajoodyadu waxa ay diirada saari doonaan horumarka iyo caqabadaha Hay’adaha Ammaanka ee Soomaaliya, Qorshaha Dib-u-habaynta Laamaha Amniga ee Soomaaliya, iyo Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada New York, waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa ka qaybgalayaasha shirka.