|

Baarlamaanka Putland oo mudo kororsi sameystay

Garoowe December 07, 2023 (QJ) -Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta shir hadalheyn badan dhaliyay ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay go’aamo la xiriira arrimaha doorashada.

Baarlamaanka ayaa ku gacan seyray go’aankii Madaxweyne Saciid Deni uu ku baabi’iyay hannaankii doorashada ee qof iyo cod, waxayna go’aansadeen in muddo hal sano ah loogu daro Baarlamaanka, taasoo abuurtay waqti cusub in la qabto doorashada soo socota. Waxa ay cadeeyeen in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la qaban doono 8-da Jannaayo 2024-ka, sidaana xal looga gaaro siyaasadda Puntland.

Xubnaha baarlamaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in si degdeg ah loogu dhawaaqo guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, si loo sii amba qaado howlaha doorashada.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu xalay madaxweyne Deni si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee ahaa in doorasho toos ah la qabto, isla markaana uu hadda laqaban doono doorasho dadban, isagoo raacaya habkii hore ee doorashada.

Comments are closed