SSC-Khaatumo oo lagu eedeeyay weearar Shacab
Oog November 10, 2023 (QJ) -Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyay inay weerar ku soo qaadeen degmooyin ka tirsan gobolka Sool, kadib dagaal ka dhacay deegaanka Buqdhaarkey ee gobolka Sool.
Baraha bulshada ayaa lagu arkayaa sawirada askar iyo saraakiil laga qabtay ciidamada Somaliland ee ku lug lahaa colaada, kuwaasoo maamulka Khaatumo uu ku andacoonayo in lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo ku nool SSC.
Geesta kale, war-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in maalintii labaad dadka deegaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool ay weerar ku qaadeen ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Puntland.
Shacabka deegaanka ayaa iska difaacay weerarada ay ku soo qaadayaan kooxaha hubeysan, iyagoo muujiyay adkeysi iyada oo maalintii labaad ay ku jirto colaada.
Ciidamada Somaliland ayaa gurmadyo ku soo daad gureeyay deegaanka Buq-dharkayn oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka. Waxa ay ku guulaysteen in ay iska caabiyaan ciidamada SSC-Khaatumo ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ku soo duulay.
Deegmo oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa waxa marar badan ka dhacay dagaalo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa xulufada la ah SSC-Khaatumo, kuwaas oo sababay xiisado soo noqnoqda oo ka taagan gobolka Sool.