|

Masuuliyiin la shaqeynayay Al Shabaab oo la maxkamadeynayo

Mudisho November 05, 2023 (QJ) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday dhageysiga dacwad loo heysto 11 mas’uul oo ka tirsan maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq.

Shaqsiyaadka la eedeeyay oo ay ku jireen saddex dumar ah, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Guddoomiyaha Degmada iyo Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Hodan.

Eedaha loo haysto ayaa la xidhiidha lunsi hanti qaran iyo ku lug lahaanshaha falal musuq-maasuq oo ay ka mid yihiin baad iyo xadhig sharci darro ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa eedeysanayaasha ku eedeeyay in ay la shaqeynayeen koox qaran dumis ah, waxaana uu ka codsaday maxkamadda ciidamada qalabka sida in ciqaabta ugu badan la marsiiyo maadaama ay ku lug lahaayeen fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Comments are closed