|

Waddani oo isgarab taagay Dhalinta Awdal

-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka hadlay xadhiga Dhalinyaro lagu xidhay magaalada Boorama, waxaanu ku baaqay in la sii daayo dhalinyarada xidhan. Dhalinyaradu waxay ka cabanayeen awood qaybsi la’aanta Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, ayaa xukuumadda ku cambaareeyay xadhiga dhalinyaradaasi.

“Waxaanu leenahay waar halaga daayo dhallinyarta cabudbinta, waar ha laga daayo dhallinyarta la xidhayo, cabudhinkasta waxay samaynaysa in umadu sii kacdo, umada ka daaya waxa aad rabtaan in aad marsiisaan, umada dhagaysta” ayuu yidhi Faarax.

Waxa kale oo uu xusay in wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiin reer Awdal ah oo hadda degan Boorama ay ka soo horjeesteen dhalinyarada.

Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu garab taagan yahay shacabka reer Awdal, isla markaana uu diyaar u yahay wax kasta oo lagu xaqiijinayo danaha reer Awdal ee Somaliland.

Ugu dambayntii waxa uu shacabka reer Awdal u sheegay in xisbi ahaan ay fahmeen arrimaha u gaarka ah gobolka Awdal, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sidii loo heli lahaa matalaad cadaalad ah.

Comments are closed