|

Xasan Nasralah oo ka hadlay dagaalka Qasa

Beirut November 05, 2023 (QJ) -Hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, Nasrallah, ayaa markii ugu horreysay Jimcihii ka hadlay colaadda Gaza.

Nasrallah ayaa sheegay in ay u aargudi doonaan dadkii ku dhintay iska horimaadyada ka dhacay xadka koonfureed ee Lubnaan.

Hogaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamadooda, waxa uu sheegay in aysan joojin doonin iska caabintooda ka dhanka ah Yuhuuda iyo Mareykanka.

Waxa uu sheegay in ay meel uga soo wada jeesan doonaan dadka ay dileen Maraakiibta iyo Ciidamada Mareykanka uu taageero.

Mar uu ka hadlayay Maraykanka, waxa uu sheegay in haddii ay doonayaan in ay joojiyaan dagaalka in ay Israa’iil ku cadaadiyaan in ay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan Qaza. Wadamada Islaamka iyo Carabta ayuu ugu baaqay in ay dagaalka ku wejehaan midnimo.

“Dagaalka Gaza ka socda ma aha sidii hore,” ayuu yiri Nasrallah. Nasrallah waxa uu sheegay in ay Muslimiinta u taallo dagaalkooda, isla markaana uu Alle u ballanqaaday guul”.

Comments are closed