|

Saraakiil sare oo ATMIS ka tirsan oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo

Muqdisho November 04, 2023 (QJ) -Maxkamadda ciidamada Uganda oo fadhiisaneysa magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamadooda ay wajahayaan maxkamadda ciidamada qalabka sida iyaga oo lagu soo eedeeyay fulaynimo
Saraakiisha ayaa la sheegay in ay danbiyada galeen intii lagu gudo jiray weerarkii Al-Shabaab, bishii May ee la soo dhaafay oo ay ku dileen 54 askari oo Uganda u dhashay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Jeneral Robert Freeman ayaa dacwada ku soo oogay Jeneral Stephen Oluka iyo Sarreeye Guuto Zadock Daka, oo ka amar qaata askarta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo lagu eedeeyay hab dhaqankooda markii Al-Shabaab ay weerartay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Buulamareer.
Magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugaandha war-saxaafadeed ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in dacwadu furan tahay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in labadan sarkaal ay ku guul-darreysteen hoggaamin wax-ku-oolka ah, isla markaana ay ogolaadeen in ciidamadooda laayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Sidoo kale labo sarkaal oo kale ayaa la sheegay in ay wajihi doonaan ciqaab kadib markii lagu helay in ay ka dhaga adeegeen awaamiirta la xiriirta la dagaalanka Al-Shabaab, taasi oo keentay in la dilo 54 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, halka tiro kalana la la’yahay.
Al-Shabaab oo doonaysa in ay afgambiso dawladda caalamku taageero ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 70 askari oo Ugandes ah ay ku dileen weerarkii bishii May ka dhacay magaalada Buulamareer.

Comments are closed