|

RW Xamse oo geesinimo lagu amaanay

Mogadishu November 03, 2023 (QJ) – Warbaahinta taageerta Xamaas iyo warbaahinta kale ee Bariga Dhexe ayaa si weyn baahisay hadaladii shalay ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ee ku aadanaa xaaladda Gaza iyo caqabadaha haysta shacabka Falastiin.

Shabakadda Quds News Network oo taageerta Xamaas Twitter-ka ayaa la wadaagtay muuqaal Video ah oo laga soo duubay hadalka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay la socoto ciwaan “Xamas ma ahan Argagixiso, balse waa dhaqdhaqaaq ujeedadiisu tahay in ay xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Xamza ka sheegay Munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dhibaatada lagu hayo shacabka reer Falastiin, waxa uuna carabka ku adkeeyay in caalamka uu fiiro gaar ah u yeesho caqabadaha ay wajahayaan shacabka Gaza.

Intaa waxaa dheer, warbaahinta waaweyn ee Carabta sida Aljazeera, Al Carabiya, iyo kuwa kale ayaa si mug leh uga hadlay hadalka Xamza Cabdi Barre. Hadaladiisa xaaladda Gaza iyo mowqifkiisa ku aaddan caqabadaha soo wajaha shacabka Falastiin ayaa soo jiidatay indhaha caalamka.

Hadalka Xamza Cabdi Barre ayaa ka dhaliyay doodo masraxyada caalamiga ah, oo ku saabsan xaaladda colaadda Falastiin iyo Israa’iil iyo ta ururrka Xamaas.

Comments are closed