|

Somalia iyo EUda oo ka shiray wadashaqeyn ay ka yeeshaan horumarka

Muqdisho October 11, 2023 (SD) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka wadajirka ah ee Roadmap-ka ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka laga gaaray horumarinta siyaasadda Qaranka ee dhinacyada kala duwan.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirro ka tirsan dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka socday Midowga Yurub ayaa waxaa lagu soo bandhigay arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, xasilloonida; horumarinta dhaqaalaha; iyo arimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku nuux-nuux saday in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta arrimaha horumarka, gaar ahaan dhinacyada amniga, kobaca dhaqaalaha iyo daryeelka shacabka.

Comments are closed