|

Ciidamada Sooomaaliya iyo kuwa saaxiibada la ah oo weeraray Al Shabaab

Kismaayo October 11, 2023 (SD) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ammaanka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobollada Bu’aale, Saakow, iyo Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dowladdu waxay sheegtay in goobaha la bartilmaameedsaday ay ku caan baxeen inay saldhig u ahaayen dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab. Waxaa lagu soo warramayaa in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab howlgalladaasi. Si kastaba ha ahaatee, macluumaad faahfaahsan oo intaas ka baxsan lama bixin.

Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa tayada ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Maalmihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Shabeelow, waxaana lagu beegsaday xarumo iyo fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin.

Dowladda ayaa sii wada dadaallada ay Al-Shabaab kaga saarayso gobollada Mudug iyo Galgaduud. Ciidamada ayaa la wareegay deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Galhareeri,Galcad,Ceelbuur,Ceel lahelay balse dhawaan ayay faarujiyeen.

Comments are closed