Rabshado maalintii labaad ruxay Hargeysa
Hargeysa October 09, 2023 (QJ) – Maalintii labaad oo xidhiidh ah waxa magaalada Hargeysa ka socda mudaharaadyo sababay rabshado iyo iska hor imaad dhexmaray ciidamada booliska iyo mudaharaadayaasha. Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xukuumaddu ay la wareegtay dhul ku yaala Degmada Booliska oo ku dhow suuqa dhexe ee Hargeysa, iyadoo ujeedadu ahayd in laga iibiyo ganacsato caan ah.
Goobta loo qorsheeyay in laga sameeyo xarumo ganacsi oo ay degan yihiin qoysas badan oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa la kulmay iska caabin kadib markii dadka deegaanka ay diideen in ay ka guuraan goobta. Waxaa la sheegay in dowladdu ay qorsheysay in ay baneyso meel kale si ay u bixiso guryo iyo magdhow lacageed.
Dibadbaxyada looga soo horjeedo go’aanka dowladda, ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, oo ay ku jiraan hal dhimasho iyo dhaawac oo ugu yaraan labo qof oo kale ah.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr askari oo ka tirsan ciidamada booliska ay ka mid yihiin dadka la xiray ee ku dhaqan deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday kadib amar ka soo baxay maamulka. Go’aanka ay xukuumadu ku iibisay dhulkaasi si ganacsi ahaan loo isticmaalo ayaa sidoo kale waxa dhaliilo waaweyn u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay xukuumaddu qaaday, waxaanu ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto difaaca Somaliland, isla markaana loo diyaar garoobo doorasho, waxaanu intaa ku daray in aanay wakhtigan ku haboonayn murannada dhulka.
Dhulkan ay dowladdu la wareegtay ayaa marka la eego goobta uu magaalada ku yaallo oo istaraatiiji ah, waxa ay keentay dibadbaxyo iyo xiisado, iyadoo dadka deegaanka ay ka biyo diideen in dhulkaas laga saaro, waxayna dalbanayaan in magdhow laga siiyo dhulkii laga qaatay.