|

Ciidamada Africa ee ATMIS oo wareejinaya saldhigyo hor leh

Muqdisho September 17, 2023 (QJ) – Ciidamada Afrika ee ATMIS ayaa maanta bilaabay wajigii labaad ee ka bixitaanka ciidamadooda Soomaaliya.

ATMIS ayaa saldhig ay ku laheyd degmada Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ku wareejisay ciidamda Soomaaliya, halkaasoo fariisin u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana horay gacanta ugu hayay ciidamada Burundi.

Taliyaha ciidamada ATMIS ee ku sugan saldhigga Biyo Cadde, Col. Philip Butoyi, ayaa si rasmi ah saldhigga ugu wareejiyay Maj. Muxudiin Axmed oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wajigii koowaad ee bixitaanka ayaa lagu dhawaaqay bishii June, xilligaasi oo ATMIS ay kala baxday 2000 oo askari, waxaana lagu wareejiyay lix saldhig oo ay horay u joogeen, iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628 iyo 2670 (2022).

Ciidamada ATMIS oo iskaashi dhow la leh Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) ayaa horey u sameeyey qiimeyn ballaaran oo wajigii koowaad ah, waxaana hadda la qorsheynayaa in 3000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro dalka dhamaadka bisha September, sida ku cad Qaraarka UNSC. 2687.

Comments are closed