|

Wefdi ka socda Dawlada Dhexe oo booqday Laascaanood

Maanta waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno.

Xubnihii ka socday Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, Jaamac Xasan Khaliif, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, C/llaahi Xaaji Timacadde, Xildhibaan Bashiir Ameeriko, Xildhibaan Cali Siciid Fiqi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Xamse Siciid Xamse.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Laascaanood ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka SSC (Sool, Sanaag, iyo Cayn), saraakiil ciidan, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Ka dib waxaa la geeyey goobihii ay ka dhaceen dagaaladii dhawaan ka dhacay inta u dhaxeysa Laascaanood iyo Qooja Cadde.

Intii ay ku guda jireen booqashadooda, wafdiga dowladda federaalka ayaa wada hadalo la yeeshay, waxayna u gudbiyeen ujeedka ay ku doonayaan inay xog rasmi ah ka siiyaan dowladda federaalka xaaladda Laascaanood. Waxay kaloo ku nuuxnuuxsadeen inay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan maamulka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

Xubnaha wafdiga ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin midnimada iyo walaaltinimada ka dhexeysa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanada SSC. Waxayna ka mahad celiyeen soo dhawaynta diiran ee ay kala kulmeen shacabka iyo madaxda SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, madaxda iyo shacabka SSC-Khaatumo ayaa si weyn ugu mahad-naqay weftiga ka socda dawladda dhexe ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaa xusid mudan in magaalada Laascaanood ay ka dhacday sanadkii la soo dhaafay khilaaf xooggan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo shacabka Laascaanood. Booqashada wafdigan ayaa muujineysa joogitaanka weyn ee dowladda federaalka ah ee Laascaanood iyo tallaabo macquul ah oo loo qaadi karo hawlgelinta federaalka ee gobolka.

Comments are closed