|

Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano Qarax lagu weeraray

Muqdisho September 15,2023(QJ)-Qarax gaari oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac deegaanka Laas-Gacamey oo u dhaxeeya magaalooyinka Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka Wisil oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus, islamarkaana uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug, General Maxamed Nuur Cali Gadaar, ayaa xaqiijiyay geerida askartii ilaalada ka ahayd xarumaha Dowladda Galmudug iyo askar kale. General Gadaar ayaa sidoo kale xusay in Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaan C/kariin Qeybdiid, Xildhibaan Dhabancad, iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa deegaanka Laas-Gacamey ay ku sugnaayeen goobta qaraxa lala beegsaday.

Senator Cabdikariim Qaybdiid ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ka dhashay burbur ka soo dhacay dhismo ku dhow oo soo dumay.

Sidoo kale, Xildhibaan Dhabancad ayaa ka warbixiyay qarax gaari oo shalay ka dhacay meel ku dhow halka ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale waxa uu xusay in dhaawaca soo gaaray uu yahay mid fudud, maadaama gurigii ay ku jireen uu qeyb ka soo dumay, isla markaana ay waxyeelo ka soo gaartay.

“Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa fashiliyay qarax gaari oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan agagaarka deegaanka Laas-Gacamey oo ku dhow degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. ayaa dawladu war ay soo saartay ku sheegtay.

Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV, labo ka mid ah ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay howlgalka lagu xaqiijinayo ammaanka aaga weerarku ka dhacay.

Comments are closed