|

Muuse Biixi oo Ciidamdii beeshiisa kala baxay Sool iyo Dagaalkii oo ku fiday degaanada Habarjeclo

Hargeysa July 13, 2023 (QJ) – Warakii ugu danbeeyay ee xaalada Sool ayaa tibaaxaya in dagladii ku kobnaa degaanada Laascaanood iyo duuleedyadeeda ay haatan ku fideen dhulka Beesha Habarjeclo.

Arintan ayaa imanaysa ka dib kolkii Madaxweynaha bilaa sharciga talada ku heystaa uu ciidamadii iyo hubkii u badnaa ee beeshiisa uu ka soo saaray aaga Laascaanood, taas oo u saamaxeysa in ciidamda SSC ay degaano kale ka furaan goobo colaadeed.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu tilaabadan u qaaday ka dib kolkii uu dareymay suurtagalnimo colaad ka dhalata diidmadiisa doorashooyin madaxtooyo oodalka ka dhaca.

Ilo wareedyada aanu warkan ka soo xiganay oo ku sugan degaanada iminka noqday jiidaha cusub ayaa noo xaqiijiyay in ciidamada SSC ay haatan hub ahaan ka tayo fiican yihiin kuwa Somaliland.

Degaanada haatan isu rogay jiidaha ayaa la sheegay in ay ka mid tahay Qurulugud oo xiligii madaxweyne Siilaanyo ay ka dhaceen dagaalo faraha looga gubtay oo dad badanina ay ku dhinteen.

Ilo wareedyadu nooma ay xaquujin baaxada colaada degaanadaaasi haatan wejahayaan baaxada ay leeyihiin, balse waxa durba la dareemayaa cabsi baahsan oo laga qabo ciidamada SSC.

Aaga Goojacade ayaa sidoo kale la sheegay in ay haatan ku hareen ciidamo iyaguna wejahaya culeyso dheeri ah oo aan la garaneyn inta ay iska xamili karaan.

Comments are closed