Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo reer SSC oo Canada isku baacsanaya
Ottawa July 09, 2023 (QJ)- Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumada dhacday ee Muuse Biixi oo booqasho qarsoodi ah ku jooga Magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa la sheegay in ay halkaa isku baacsanyaan jaaliyada reer SSC ee Canada.
Wasiir Ciise Keyd ayaa la sheegay in u magaalada u gaaray arroska wiil uu soo korsaday oo halkaa ku aqalgeleya.
Jaaliyada SSC oo safarka qarsoodiga ah ka warheshay ayaa dawlada Canada ka dacweysay wasiirka oo ay ku eedeeyeen denbiyo dagaal.
Sidoo kalena Jaaliyada SSC ayaa la sheegay in ay ka baarayaan Hotelada Magaalada iyo aqalada EheladaWasiirka oo la sheegay in saacado gudahood kolba goob loo rarayo.
Jaaliyada SSC ayaa u abaabulan in ay mudahaarad ku qabtaan xarunta arooska ama halka uu ku ka degen yahay wasiir Keyd, iyaga oo soo daabacay sawiro muujinaya xadgudubyada Xukuumada dhacday ee Muuse Biixi ay ka geysatay Laascaanood.
Dadka reer Somaliland ayaan intooda badani ka warheleen in Wasiirku joogo Ottawa ka dib kolkii uu warkani soo shaac baxay.
Ma aha markii u horeysay ee ay Jaaliyada SSCsidan oo kale magaalooyinka reer Galbeedka u baacsadaan Wasiir Keyd.
Waxa Wasiirka aan wax gacan ah u fidin taageereyaasha HEEGO ee Canada oo Wasiirka ku eedeeya in uu ka beensheegay aqoontiisa iyo hawlaha uu hayo.