Maxay ka dhiganyihiin go’aamadii shirka Garxajis
Hargeysa. 29 October, 2022. (QJ)- Kadib shirkii kusoo xidhmay magaalada Burco we xarunta gobolka Togdheer ee beesha Garxajis, waxa si kordhaysa fal celinta ka dhalatay shirka ee ka imanaysa dadka Garxajis iyo sidoo Guud ahaan beelaha kale ee Somaliland.
Hadaba warbaahinta Qurbejoog waxay tafsiir kooban ku samaysay saddexda qodob ee ugu muhiimsan shirka go’aan Ada kasoo baxay.
Qodobka labaad ee shirka ayaa dadka wax falanqeeyaa ah ku tilmaameen in uu yahay ka ugu muhiimsan ee qanciyay dadka Garxajis ee gudaha iyo dibadda dalka ku sugan. Hadii ay Doorasho Madaxtooyada dhici waydo, wax doorasho ahi kama dhacayso deegaanada Garxajis, waxay ka dhigan tahay in aanay doorasho ka dhacahayn Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo, iyo Sool deegaanka Garxajis. Si kale hadii loo dhigo waxay ka dhigan tahay in dagaal sokeeye curan karo hadii labada mawqif sidooda ahaadaan Waa ka madaxweynaha iyo ka beesha Garxajis.
Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaan sharci noqonayn marka la gaadho 13 November maadaama Garxajis aanu aqoonsanayn, waxay ka dhigantahay in aan cashuur la bixin isla markaana loo hogaansamin awaamirta dawladda.
Qodobka kale ee muhiimka ah ayaa ah in tallaabooyinka Muuse Biixi ay nabadda gobolka khalkhal galinayaan, arintaas oo imikaba Beesha Caalamku ka hadashay.