Somaliland oo xaqiijisay walax shidaal u eg oo laga helay Sallaxley
Hargeysa. 29 September, 2022. (QJ)- Somaliland ayaa markii ugu horaysay sheegtay in walax leh astaamaha shidaalka laga helay deegaanka Baha-dhamal ee hoos taga degmeda Sallaxley ee koonfurta magaalada Hargeysa, halkaas oo walax shidaal u eg laga helay.
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somalialnd ayaa xaqiijisay in walaxda dareeraha ay ka heleen badi astaamaha shidaalka caydhin lagu yaqaano, isla markaana ay bilaabayaan baadhitaano dhaadheer oo ku aadan waxa ay tahayiyo in shdiaalrasmi ahay tahay.
Deeganka Bahadhamal ayaa laga qodayay biyo iyadoo riig la geeyay balse halkii biyo la sugayay ayuu riigu soo qaaday dareere madaw oo u eg shdiaal caydhin(crude oil), arinatas oo dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen.
Somalialnd ma jirto hanaan loo qaybsado khayraadka dalka iyadoo hore ay deegaanada barga dadka deegaanku ula dagaalameen shirkadaha sahaminta shidaalka waday, waxaana imika jira in dadka deegaanku aaminsan yihiin in hadii shidaal laga helo deegaanka ay iyagu manaafacaadsadaan.