Wasiir Siciid Sulub oo Muuse Biixi la qaatay xadhiga odayaasha Garxajis iyo faahfaahin kale
Hargeysa 22 Aug, 2022 (QJ)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa la sheegay in uu madaxweynaha Somaliland la qaatay xadhiga odayaasah talo ahaan ugu sarreeya beesha Garxajis ee uu wasiirku kasoo jeedo, sida aanu ku helnay xogo kala duwan.
Siciid Sulub ayaa la qaatay Muuse Biixi xadhiga suldaan Axmed Caddo-gude iyo salaadiin kale oo la sheegay in ay qorshaha ugu jiraan Muuse Biixi in xabsiga loo taxaabo muddooyinka soo socda.
Go’aanada Siciid Sulub ee ka dhank ah beesha uu kasoo jeedo ayaa yimi kadib dhacdadii weji gabaxa ahayd ee uu kala kulmay dhalinyarad aiyo dadka beeshiisa isagoo isku dayay in uu ka qayb galo aaska dadkii ku dhintay dibad baxyadaii 11 August, iyadoo wasiirku cadhada uu ka qaaday ay keentay in Muuse Biixi uu kula safto go’aanad aka dhanka ah Garxajis.
MAXAY BEESHA GARXAJIS TALLAABO U QAADI WAYDAY:
Su’aashan waxa is waydiinaya in badan oo ka mid ah dadka Somaliland kadib xadhiga Gudoomiyaha Beesha Garxajis, Suldaan Axmed Caddo-gude, balse waxa jira arimo keenaya in aan tallaabooyin waawayn oo xukuumadda ka dhan ah la qaadin.
Sharci ahaan shaha madaxweynaha ayaa ah qodobka ugu horeeya ee xidhaya tallaabooyin ku lid ah xukuumadda iyadoo beesha Garxajis rabta in aanay fal culus samayn inta madaxweynuhu aanu dhammaysan muddo xileedkiisa, iyadoo la sugaya talo iyo fal kasta wixii ka danbeeya marka muddo xileedkiisu dhammaado oo labba bilood inaga xigaan.
Beesha oo rabta in ay talada dalka si nabdoon u qabato sanadkan waa qodob kale oo isna keenaya in ay xeeriyaan dedaal kasta oo xal lagu dhalinayo isla markaana lagag fogaanayo iska hor imaado ka dhasha muranka imika taagan.