Hargeysa oo lagu arkayo madaxda oo hubaysan iyo walaacyada jira
- Hargeysa 20 Aug, 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa lagu arkayaa madaxda oo sidata hubka fudud ee baastooladaha iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay arintani aad usii badanaysay.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kuwa Golaha Deegaanka, madaxa xisbiyada iyo qaar ka mid ah saxafiyiinta ayaa la arkayay iyaga oo is hubaynaya muddooyinkii danbe.
Qurbejoog oo u kuurgashay ayaa ogaatay in badi ay kasoo iibsadaan baadtooladaha magaalada Laascaanood oo ay ku jabantahay baastooladaha Tukigu farsameeyo oo qiimahoodu u dhexeeyo $200-300 halka ay qaarkoodna qaataan kuwa Talyaaniga oo qiime ahaan gaadhaya $700-1000.
”Waxaan ugu talo galay inaan isku difaaco maadaama aanay magaaladu sidii hore ahayn” sidaa waxa yidhi mudane ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo Qurbejoog wax ka waydiiyay baahida keentay in Hargeysa ay hub ku dhex qaataan.
Arintan ayaa loo sababaynayaa xiisadda ka taagan Somaliland, weerarada booliska ee aan sharciga ahayn, kooxaha sirdoonka leexsan ee habeenkii dadka weerara iyo xaaladaha hubanti la’aanta ee dalku galay.