Golaha Wasiirada Soomaaliya oo berri la ansixinayo
Muqdisho. 6 August, 2022 (QJ)- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor akhrin doonaa.
Si kastaba, Waxaa saacadihii u dambeeyey sii xoogeystay kulamada golaha magacaaban ee wasiirrada Soomaaliya ay la yeelanayaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, si ay u weydiistaan codkooda kalsoonida.
Wasiirrada ayaa beel – beel ula kulmaya xildhibaanada, si wasiir kasta uu xubnaha beeshiisa ku metela baarlamaanka uu ugu qanciyo inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre