Kulan dhex maray Muuse Biixi iyo xukuumadiisa iyo waxa lagaga hadlay
Hargeysa. 5 August, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa todoabadkan dhamaanaya ka dhacay kulan goor habeenimo ah dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ugu muhiimsan xukuumadiisa gaar ahaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo xubno kasoo beesha Garxajis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxa laga yeelayo dibad baxyada ballaadhan ee mucaaradku ay qorshaynayaan iyadoo fikrado kala duwan ay soo jeediyeen dhinacyada kulanka ka qayb galay, oo ku kala qayb sanaa sida loo wajahayo mudaharaadada.
Xubnaha qaar ayaa soo jeediyay in dibad baxyada mucaaradka laga hor geeyo dad kale oo taageersan xukuumadda kuwaas oo taageero u ah Muuse Biixi iyo doorashada ururada, isla markaana aan la isticmaalin awoodda ciidamada.
Madax kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ayaa iaguna soo jeediyay in ciidamadu ay ka hor tagaan iyadoo taliye Dabagale uu ku adkaystay in uu xakamaynayo dibad baxyadaas, isla markaana lala qaato fikirka ah in awood lagu muquuniyo.
Muuse Biixi ayaa ku qancay in awood loo adeegsado dadka mudaharaadaya iyadoo la diyaariyay ciidamo badan oo ay ku jiraan unugyada loo tababaray argagixisada ee RRU iyo ciidamada ilaalada u ahaa ajaanibta iyo hay’adaha ee SPU.
Kadib kulanka, wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo Khamiistii shalay warbaahinta la hadlay ayaa caddeeyay in ciidamada ammaanku ay joojiyaan dibad bax kasta oo dadku dhigayaan, isagoo faray in ay sharci darro tahay.
Arintan ayaa laga cabsi qabaa in ay keento mashaqo badan oo ka dhlata dibad baxyada isla markaana la arko khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.