Goorta ay Somaliland ka dhacayaan dibad-baxyadu iyo faahfaahin kale
Hargeysa. 5 August, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya dibad baxyo ballaadhan oo ka dhaca dhammaan gobolada Somaliland oo dhan kuwaas oo lagu dalbanayo in doorashada madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, bbalse xukuumadda ayaa diidan.
Qurbejoog ayaa ogaatay in dibad baxyadu ay dhacayaan todobaadkan bilanaya iyadoo loo badinayo maalamaha kasoo horeeya Khamiista, gaar ahaan Axadda ama Isniinta.
Dibad baxyada ayaa la qorsheeyay in doorkan la shaaciyo oo aan la qarin si dhammaan dadku u ogaadaan oo ay dibadda ugusoo baxaan si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xaaladda cakiran ee Somaliland ka taagan wakhtiga.
Xogaha aanu ka helayno mucaaradka Somaliland waxay sheegayaan in qorshahoodu yahay in cidna aan laga xidhin atas oo keeni karta isku dhac dhex amra ciidamada mcuaaradka ammaankooda sugaya iyo ciidamada booliska oo wasiirka arimaha iyo taliyaha boolisku fareen in ay “cagta mariyaan wixii ay arkaan.”
Somaliland waxa la isku hayaa doorashada ururada oo Muuse Biixi aaminsan yahay in laba xisbi oo cusub uu la galo doorashada madaxtooyada, halka mucaaradku ka diideen in doorashada madaxtooyada wax doorasho ahi kasoo horayso isla markaana liisanka xisbiyadu uu dhacayo bisha December halka doorashada madaxtooyadu tahay bisha November.