Taliye Dabagale oo waraaqaha ku hor jeex-jeexay masuuliyiinta UK iyo sababta
Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Taliyaha Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa si anshax darro ah uga falceliyay walaac ay gaadhsiisay dawladda Ingiriisku isagoo hadalo af lagaado ah ku duray masuuliyiin ka socday xafiiska Ingiriiska ee magaalada Hargeysa.
Dabagale ayaa waraaqaha ay ku qornayd cabashadu wuxuu ku hor jeexjeexay masuuliyiinta siday oo ka socday xafiiska Ingiriiska ee magaalada Hargeysa, isagoo ku yidhi “waxaad la socotaan mucaaradka oo waanu ognahay waxaad wadaan.” Intaasi markii ay dhacday ayay baxeen masuuliyiinta ka socday dawladda Ingiriisku iyadoo taliyuhu aanu masuuliyad wayn muujinin.
Cabashada Ingiriiska ayaa daaranayd gawaadhi ay hore ugu caawiyen booliska Somaliland oo loo adeegsaday dibad baxyadii horaanta bishii June magaalada Hargeysa ka dhacay, iyadoo la arkayay gawaadhidaa oo ahaa kuwa gaashaaman isla markaana jiidhaya masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani.
Dawladda Ingiriiska, gaar ahaan xafiiska ay Hargeysa ku leeyihiin, ayaa cabasho ka muujisay qaabka loo adeegsaday gawaadhidaa.
XIDHIIDHKA SOMALILAND IYO INGIRIISKA OO AH MID XUN
Xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ingiriiska ayaan ahayn mid wanaagsan sanadihii lasoo dhaafay iyadoo xukuumadda Muuse Biixi uga sii dartay xaalka kadib markii ay saartay sirdoonka Ingiriiska oo xafiis ku lahaa magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda Masalaha oo ah meesha ay degen yihiin diblomaasiyiinta iyo shisheeyaha kale ee Hargeysa ku sugan.
Bixitaanka Sirdoonka UK ee Hargeysa ayay sabab u ahayd kadib markii qoyska madaxweyne Biixi ay ka dooneen lacago iyo mashaariic dheeraad ah oo xaddi badan, sida uu Qurbejoog u xaqiijiyay masuul la shaqayn jriay Ingiriiska.
Waxa xusid mudan, in kooxda Heego ee Muuse Biixi taageerta ay iyaduna kasoo hor jeeday gabadh kasoo jeeda beesha Garxajis oo wakiil ka ahayd Sirdoonka Ingiriiska ee Hargeysa iyo Somaliland degenaa.