Xukuumada Muuse Biixi oo gudi u magacaabay qorshaha dhismaha suuqyada dalka
Hargeysa (QJ) – Wasiirka Hawlaha Guud ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa la wareegtay hawlaha dib u dhiska Suuqa Waaheen ee dahawaan dabku burburiyay.
Wareegto sharciga baalmarsan oo uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud Cabdilaahi Abokor ayuu ku magaacabay gudi uu sheegay in ay hawshan ka shaqeyn doonaan, wasiirku ma sheegin hanaanka lagu soo xulay ragan uu ku shegay xilfedleyaasha.
“Wasaarada Hawlaha Guud Waxay Isugu Yeedhay Mudanta Injineerada Dalka Ee lagu Tuhmayo aqoon Iyo waayo aragnimo shaqo. Oo Xeer dheer si ay u hogaamiyaan dib u Dhiska suuqa waaheen Iyo inay dajiyaan Nidaamka lagu hubinayo badqabka Suuqyada kale Ee dalka.” ayuu yiri wasiir Abokor.
Guddidan uu magaacabay wasiirka ayaa walaac durba laga muujinayaa iyada oo xukuumada Madaxweyne Biixi hore loogu dhaliilay bixinta qandaraasyo ku saleysan qaraabokiil iyo qof jecleysi.
Guddidan uu magaacabay wasiirka ayaa la sheegay in hawshoodu ku ekeyn uun Suuqa Waaheen balse qandraas lagu siiyay nashqadeynta suuqyada dalka oo dhan.
Suuqa Waaheen dadkii ku ceyroobay ayaan wax gacan qabad ah oo la taaban karo ilaa haatan loo fidin iyada oo ay weli gacan xukuumada Muuse Biixi ku jirto in ka badan deeq kor u dhaafeysa $30 million loo fidiyay dadkii hantiidoodu ku basbeeshay Waaheen.