|

Wasaarada Beeraha oo ka muquuratay habkii loo dilay Marxuumad ka mid aheyd Shaqaalahooda

Hargeysa (QJ) – Wasaaarada Beeraha Somaliland ayaa ka gaabsatay in ay sheegto qaabkii magaalada Hargeysa loogu dilay mid ka mid ah shaqaalaha Wasaarada.

Najma Cabdilaahi Maykal oo uu Hargeysa ku dilay gacan ku dhiigle ka mid ah ciidanka dawlada Somaliland oo iminka gacanta lagu hayo.

Tacsi ay Wasaaarada Beeraha ku baahisay bogeeda Facebook gayay ku sheegtay in marxuumadu ku geeriyootay Hargeysa, halkii ay ka sheegi laheyn in Najma si badheedh ah magaalada uu ugu dilay gacan ku dhiiglaha.

Ehelka iyo Shacabka Hargeysa ayaa isweydiinaya sababta ciidanka Police ka iyo xukuumadu uga meereysaneyso ka hadalka fal danbiyeedkan.

waxaana aamusnaantooda loo saaraya gacan ku dhiiglaha oo beelahaan ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana durba ka soo baxaya warar ay baahinayaan beesha gacan ku dhiiglaha oo algu sheegayo in uu ninka dilka geystay uu maskixiyan xanuunsanayo.

Aabe Cabdilahi Mykal oo ka mid ahaa jabhadii SNM ayaa ku goodiyay in dilka inantiisa uu u aari doono hadii xukuumadu aaney gacan ku dhiiglaha tilaabo sharci ah ka qaadin.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka tacsida ee wasaarada beeruhu baahisay:

 

TACSI.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Maxamed Xaaji Cismaan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, Agaasime-waaxeedyada, Shaqaalaha iyo Guud ahaan bahda Wasaaradda Beeruhu waxay Tacsi u dirayaan Ehelka iyo Qaraabadii Marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal oo ku geeriyootay Hargeysa.
Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha JSL Waxay murugada la qaybsanayaan Ehelka iyo Qaraabada Marxuumad Najma oo Alle ha u naxariistee ka mid ahayd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha JSL, xalayna gacan ka xaqdarani ku dishay Hargeysa.
Inaa lillaahi Wa inaa Ilaahu Raajucuun.

Comments are closed