Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer oo Cadeeyay in Magaaladda Burco Kala Qaybsan tahay,Mashaariicdii Xukuumadu ka waday oo Dhamaantood Joogsaday & Dadweynaha Burco oo Ku Foodhiyey DAAWO
Burco 06. February 2018 (SDN/QJ):-Maxamud Cali Saleebaan Ramaax Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer haatana uu Madaxweyne Muuse Biixi u Bedelay Gobolka Gebilay ayaa xili uu maanta ka hadlayay Munaasibad uu ku wareejinayay Xilkii Gobolka Togdheer waxa uu daboolka ka qaaday in Magacaabista Gudoomiyaha uu Xilka ku wareejinayo Xamse Cadow yuururaa ay la xidhiidho kala qaybsanaan ka taagan Magaaladda Burco.
Mr Ramaax waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Sanad iyo badhkii la soo dhaafay ay Joogsadeen dhamaanba Mashaariicdii Xukuumadu ka fulinaysay Gobolka Togdheer.