Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Iftiimiyey Waxyaabihii uu daaranaa Kulankii ay Doraad wada qaateen Madaxweyne Muuse Biixi,Sida uu u Arko Shirka Beeshiisu ku qabsanayso Magaaladda Burco Iyo Arrimo Kale DAAWO
Hargaysa 06. February 2018 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Kulan Warbaahineed Maanta ku qabtay Xarunta Guud ee Xisbiga Waddani ee Caasimadda Hargaysa ayaa ka hadlay Kulan ay doraad wada qaateen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Ucid.
Waxa uu Mudane Cirro Sheegay in Kulankaas yeedhmadiisa uu lahaa Madaxweyne Muuse Biixi Isla markaana ay kaga wada hadleen arrimo ku Saabsan Qabsoomida doorashooyinka Golayaasha deegaanka,iyo Wakiiladda iyo Bilowga iyo sii ambo qaadista wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland Iyo Somalia iyo Is Xogwaraysi ku aadan Xaalada Guud ee Dalka.
Mudane C.raxmaan Cirro Waxaa kale oo uu ka hadlay Shirka Beesha uu ka soo Jeeda ay ku qabsanayso Magaaladda Burco iyo in Xisbigoodu Xidhiidh la leeyahay.
Dhanka Kale Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Waxa uu si Kooban u sheegay in Xisbi ahaan ay si faahfaahsan uga hadli doonaan go’aamadii Xukuumadu ka soo saartay Sicir bararka.