|

Xog waran Xiise Leh oo Weriye Cabdisalaan Ibraahin Hereri la Yeeshay Fannaan Xasan Aadan Samatar DAAWO

Jabuuti 05. February 2018 (SDN/QJ):-Fannaanka Xasan Aadan Samatar  wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalad diinsoor ee gobolka baay.

Xasan aadan waxoo soo shaac baxay Todobaatanaadkii, waxoona Ahamiyad weyn u lahaa barnaamijkii Horumarka Fanka Somaaliyeed (Heesha Hirgalay) ee Golaha Murtidda iyo Madadaaladda iyo Heestii Caanka noqotay ee (Sida Hogosha Roobka) iyo Codkii Wiilka Dhalinta Yar ee Xassan Aden Samamtar, Sacab iyo sawaxankii ayaa la deeyn waayeey Kaalinta Koowaad ayuu Galay, Waxaana halkaas ka bilaabmay Wadadda Dheer ee Fanka ee Xidiga Weyn Xassan Aden.

Xidig Walba waxaa ka dambeeyaa oo soo caan bixiyaa Abwaano Sugaanta ku Xeel dheer oo lagau Xusuusto Xidiga. Maalmihii Horre ee Fanaan-Samatar Waxaa Door weyn ka Soo Qaatay Abwaanaddan:- Sahal Macalin Ciise, Cabdi Cali Weyd,Max,d Ciise Ilka Casse, Abwaanka Weyn Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),Xasan Xaaji C.laahi (Xasan Ganay).

Comments are closed