‘’141 Milyan oo Doollar ayaa Soo Xarootay 2017’’ Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Ka Hadlay Cashuuro uu Kordhiyey iyo Caqabado Hortaagan Lacag Cusub DAAWO
Muqdisho 05. February 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay qorshaha Cashuur-qaadista sannadkii tegay, kan hadda bilawga ah iyo qaabka cusub ee Wasaaraddu u kordhisay Cashuurta, Mushaharka Shaqaalaha dawladda, qaabka loo bixin doono, samaynta lacag cusub iyo caqabadaha hortaagan.
Wasiir Cabdiraxmaan Bayle, waxa uu arrimahaas kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu Isniintii Maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaanu ku dooday inay Wasaaradda Maaliyaddu ay dedaal dheer u gashay in Hay’ado aan ka tirsanayn Wasaaradda ay ku guuleysatay in ay la soo wareegto.
“Cid kasta oo qaadeysa tallaabo maaliyadeed ayaa wasaarada u suuragashay in ay xafiisyadooda kala socdaan,sidoo kalena dhammaan cidkasta oo ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ay mushaarkeeda bil walba ay helaan.” Sidaa uu yidhi Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Mar uu Wasiir Bayle ka hadlay Cashuurta lagu soo rogay Ganacsatada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho wakhtigan, waxa uu yidhi; “Dekedda Muqdisho waa mid weyn oo Dakhli badan ka soo galo dalka, Mashaariic badanna waxaa laga fuliyay magaalada Muqdisho. Markaa, la mid ma aha Dekedaha kale ee ku yaal gobollada dalka.”
Wasiirka Maaliyada, ayaa sheegay inay sharci tahay Cashuurta cusub ee sidoo kale dhawaan Wasaaraddu ku soo rogtay Hay’adaha Ganacsiga gaar ahaan Maqaayadaha, Xawaaladaha, Biyaha iyo Huteellada. Waxa uu Bayle intaas ku daray inay la shireen Mulkiilayaasha Makhaayadaha, Huteellada iyo Ganacsiyada kale, isla markaana ay isla garteen in si wada-jir ah ay ula socdaan lacagta la qaadayo halka ay ku baxeyso si Soomaaliya ay isugu filnaato.
Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in lacag Shillin Soomaali ah ay sameeyaan, balse ay jiraan Caqabado iyo Shuruudo badan oo hortaagan ama ku hor-gudban, hase-yeeshee, ay Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaanba ku dedaali doonaan samaynta Lacagta Shilin Soomaaliga ah.