‘’Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Labadooduba Waxay ku Suntan Yihiin Dagaalkii Lagu qaaday C.raxmaan Tuur,Cigaal Iyo Garxajisiyada’’ Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi in aanu samayn Xukuumad Sal balaadhan Waxaanu eedayn Xoogan u soo Jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay in Isaga Wasiirkiisa arrimaha Guduhu ay ka danbeeyeen inay Shaqayn kari waayaan Maamuladii ay kala hogaaminayeen alle ha u Naxariistee Marxuun C.raxmaan Tuur,Iyo Maxamed Ibraahin Cigaal.