Xildhibaan Cabdi Qaybdiid oo Sheegay inuu amaankiisa u Baqayo DAAWO
Muqdisho 03. February 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay in 33 maalmood kadib weerarkii gurigiisa lagu qaaday aanay jirin cid sharciga loo hor keenay si loogu qaado dacwad.
Cabdi Qaybdiid ayaa si cad ugu eedeeyay weerarka gurigiisa lagu qaaday inay ka dembeeyeen sirdoonka dawladda Imaaraadka oo uu sheegay inay adeegsanayeen ciidamo Soomaali ah.