Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka hadlay Aasaaska Ciidanka Qaranka,Kala Duwanaanshaha Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumadiisa Muxuu C.raxmaan Cirro ka Yidhi? DAAWO
Hargaysa 03. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibadda sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.
“Guddoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, labaduba waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa, balse ay qaranka u siman yihiin wanaagiisana ay doonayaan, marka ay qaran tahayna loo midaysan yahay, laakiin marka ay kala duwanaanshaha fikradaha iyo in la is dhaliilaa waxa ay u jeedda tanaa toosan iyo tanaa toosan, dadkana waxan u sheegayaa inaanay jirin cadowtinimo iyo meel lagu kala maqan yahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi’’
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibada xuska sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland, ayaa si mug iyo miisaan leh u sharraxay qiimaha ay ciidanka qaranku dalka iyo dadkaba ugu fadhiyaan, waxaana uu ku sifeeyey naftood hureyaal u heegan ah inay muhiimadda koowaad siiyaan danta guud ee la wada leeyahay, waxaana uu yidhi, “Qiimaha uu ku fadhiyo ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland umadda reer Somaliland dhammaan way ogtahay, qiime, qaddarin, xushmad iyo karaamo ayey u hayaan, waayo waxa ay ogyihiin inuu ciidanku marka hore yahay dad iyagu doortay inay naftooda u huraan qaranka oo aanay iyagu wax dheef ah ka raadin qaranka inay u dhintaan mooyaane, ciidanka qaranku waa soo jeede intaad huruddo iyo inta aad shaqaysanaysaba usoo jeeda sidii aad dantaada u qabsan lahayd, wax u baran lahayd, baayac-mushatar u samayn lahayd, u guursan lahayd ee aad u hoysan lahayd, intaad intaas qabsan lahayd isagu (ciidanku) waxa uu doortay inuu waxa aad qabsanayso kuu ilaaliyo, isaguna uu dhibaatada qaato.”