Xisbiga Ucid oo Shaaciyey in Musuq Maasuq Baahsani uu Ka Jiro Wasaaradda Warfaafinta & Jawaabta Wasaaradda DAAWO
Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid oo Shir jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa cadeeyay in Musuq Maasuq baahsani uu ka taagan yahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Waxaanu xusay inay Jiraan dad ka dhiigaysatay hantida qaranka Isla Markaana Caddaadis ku haya Shaqaalaha Wasaaradaasi.
Dhanka Kale Xasan Maxamed Yuusuf oo Ku Hadlayay Afka Wasaaradda Warfaafinta ayaa Sheegay in Wasaarad ahaan eedaynta uu mas’uulkani u soo Jeediyey ay gayn doonaan hay’adaha ku shaqada leh.