Dadweynaha Reer Burco Oo Ka Hadlay Culayska Nololeed Ee Sicir-bararka Dollarku Ku Hayo & Aamusnida Xukuumadda DAAWO
Burco 10. January 2018 (SDN/QJ):-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa Cabasho ka muujiyey hoos u dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland iyo Kor u kaca Dollarka oo saamayn weyn ku yeeshay Qiimaha Maceeshadda daruuriga ah.
Dadweynaha oo la waydiiyey Rayigooda ku aaddan sicir-bararka Dollarka oo saamayn weyn ku leh Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, ayaa sheegay inay in Noloshu ku adag tahay Bulshada inteeda danyarta ah, sidaasi darteed loo baahan yahay in Xukuumaddu wax ka qabato.