“Qabawga Iyo Kulaylkuba Waan La Qabsaday oo ima dhibaan” Wiil Dhallinyaro ah oo Ku Nool Hargaysa oo Dabeecad u leh inaanu Shaadh Xidhan & Waxa ku dhaliyey DAAWO
Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Khaalid Maxamed Xaashi Waa Wiil dhallinyaro ah oo ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Waxaa uu Caan ku yahay in aanu Xidhan Shaadh Waxaanu kala hagaa Gaadiidka iyadoo uu u shaqeeyo sida Ciidanka nabadgalyadda waddooyinka.
Xiligan oo ay Caasimadda hargaysa laga dareemayo qabow xoogan qof kastaana xidhan yahay dhar culus ayuu sheegay in aanu dareemin isagu qabowga iyo Kulaylka ay dadku ka cabanayaan waxaanu sheegay inay ugu wacan tahay inuu cuno raashinka waddaniga ah.
Weriye Kayse Axmed Digaale oo ka hawl gala Telefishanka SAAB ayaa Xogwaran kooban Waxa uu wiilkan kula yeeshay mid ka mid ah Jidadka halbawlaha ah ee Hargaysa.