|

Farmaajo Oo La Sheegay Inuu Maanta Socdaal Ku Tagayo Deegaan Ku Dhow Badhan, Siyaasi Reer Sanaag Ah Oo Hargeysa Farriin Uga Diray & Dawladda Oo Isha Ku Haysa

Garowe 08. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) oo Shalay booqasho ku tagay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa la sheegay inay Maanta ahaan Safar ku tagayo deegaanno ku dhow Degmada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, halkaasi oo uu Toddobaadkii hore socdaal Faro-gelin siyaasadeed ah ku tagay Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashada uu ku tagay Garoowe tahay tii koowaad ee uu halkaa ku tago tan iyo markii Xilka Madaxweyne-nimo loo doortay, ayaa la sheegay inuu socdaalkiisa Garoowe uga faa’idaysanayo inuu soo gaadho deegaanno ku dhow Magaalada Badhan, isla-markaana uu halkaa soo gaadhsiinayo Lacag Xukuumaddiisu kaga qayb-qaadanayso Dhismaha Waddo Laami ah oo halkaa ay ka wadaan Bulshada deegaanku.

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ee dhawaan Xilka wareejisay Axmed Maxamed Nuur oo ah Siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag oo Shalay Saxaafaddu waydiisay inay Suurto-gal tahay in Madaxweyne Farmaajo uu socdaalkiisa Garoowe ka dib u soo gudbi karo dhanka Xuduudka Somaliland oo uu faro-gelin ku samayn karo Ciidda Somaliland iyo Madax-bannaanideeda, ayaa tilmaamay in loo sheegay in Farmaajo uu Maanta ahaan imanayo deegaan aan ka fogayn Badhan.

Siyaasigan oo ugu horreyn ka hadlaya Safar uu Toddobaadkii hore Magaalada Badhan ku tagay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa yidhi “Waxay fursad ka heleen intii Dawladda cusub iyo kala wareeggii lagu mashquulsanaa, Madaxweynuhuna ku mashquulsanaa Xilalkii uu Magacaabayey, laakiin imika waxaanu u sheegaynaa horena ugu sheegnay Somaliland Xuduudaheedu waa Muqadas oo Waddo-halaq maaha Cid kasta iska soo galayso.”

Siyaasi Axmed Maxamed Nuur wuxuu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay Shacabka bariga Sanaag ku khaldayso inay Maalgelin u sidaan, laakiin ay u wanaagsanayd inay Jidka Saxda ah u soo maraan waxay doonayaan u qabtaan deegaannada bariga Sanaag, haddiiba sheegashadoodu daacad tahay “Waxa laga yaabaa inay Dadka ku yidhaahdaan waxaanu idiin wadnaa Maalgelin iyo Dhaqaale, Maal-gelinta iyo dhaqaaluhu waxay leeyihiin Dariiqyo la soo maro.”

Siyaasigan oo la waydiiyey sida uu u arko sidii Xukuumadda Madaxweyne Biixi uga hadashay markii Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya yimid Badhan, ayaa ku jawaabay “Madaxweyne Muuse Biixi hadda ayuu Dawladda dhisay, indhahana wuu ku hayaa waxyaalaha ka dhacaya xuduudaha Somaliland, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Arrimaha dibedduba way ka hadleen, Dawladduna Go’aamo ayay ka soo saartay, markaa hadalladaasi waxay u ahayd digniin (Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya) ay ku joogaan, laakiin waxaad mooddaa inay mar labaad isa soo bahaysteen oo ay ku soo laabteen Xuduudihii Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo Dawladaha jaarka ah wixii meeshaa ka soo baxa Masuuliyaddeeda waxa qaadaya Farmaajo iyo Huwanta Federaalka iyo Puntland.”

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Ganacsiga Axmed Maxaned Nuur wuxuu sheegay in loo sheegay in Farmaajo uu Maanta ahaan tagayo deegaan aan ka fogayn Degmada Badhan “Warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya inuu imanayo meel ku dhow Badhan, isagoo leh waxaan lacag yar u sidaa Waddo laga soo duway Laamiga, Annagu waxaanu u aragnaa haddii dhaqaale la siinayo hala soo mariyo halka Beesha Caalamku soo mariso, Waayo? Dawlad baa ka jirta Somaliland.” Ayuu yidhi.

Degmada Badhan waxa fadhiisin ku leh Cutubyo ka mid ah Ciidammada Qaranka Somaliland, kuwaasi oo weerar ugu qaaday ilaalada Wasiirkii Qorshaynta ee Todddobaadkii hore halkaa tagay, iska hor-imaad weerarkaa ka dhashayna waxa uu sababay in Laba Askari ka dhaawacmaan ilaaladii Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, hal Askarina ka dhaawacyo Ciidammada Qaranka Somaliland, sida uu Toddobaadkii hore Wargeyska Himilo u sheegay Maayarka Magaalada Badhan.

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa isha ku haysa Socdaalka Farmaajo ku tagay Garoowe, waxayna la socotaa dhaqdhaqaaqiisa hadba meesha uu ku jihaysan yahay.

Comments are closed