|

Maamulada Somaliland iyo Puntland oo si adag uga hadlay dagaalkii saakay dhax maray

Garowe 08. January 2018 (SDN/QJ):-Waxaa saakay dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ka dhaceen deegaano hoos taga Sool, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu saakay aroor hore qarxay kadib markii ciidamo aad u hubeesan oo katirsan  Somaliland weerar kedis ah ku qaadeen Ciidamo taabacsan Puntland oo fariisimo ku lahaa deegaanka Tukaraq.

Ciidamada Somaliland ayaa dagaal xoogan kula wareegay deegaanka Tukaraq oo fariisimo u ahaa Ciidamada Puntland, waxa uuna dagaalka markii dambe kusii fiday deegaano kale oo ka baxsan halka uu dagaalku ka bilowday.

Maamulada Somaliland iyo Puntland oo dagaalkan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa midbo midka kala ku eedeeyay masuuliyada dagaalkan , waxa ayna labada maamul sheegeen mid kasta in lagu soo xad gudbay.

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, Cabdiraxmaaan Cabdillahi Faarax (Giri-barwaaqo) ayaa sheegay in saakay ciidankooda weerar kusoo qaadeen ciidamo uu sheegay in  ay ka amar qaataan dowladda federaalka ee Soomaaliya .

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Wasiiro katirsan Dowlada Federaalka iyo Puntland in ay booqdeen magaalada Dhahar halkaasna ka jeediyeen sida uu tilmaamay khudbado kicin dadweyne ah.

“Somaliland iyo dadkeedu waxay cadeynayaan in aanay mardambe u dulqaadan doonin xaaladaha noocaas ah diyaarna u yihiin in ay nabadgelyadooda iyo qarankooda difaacaan” Ayuu iri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirka amniga Puntland, Axmed Cabdullahi Yuusuf, ayaa isna ka hadlay dagaalkan ka dhacay Sool, waxa uuna sheegay in layaab ku noqotay dagaalka xogan ee saakay kala kulmeen maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in weerarkan lagu soo qaaday uu yahay daan daansi dagaal, waxa uuna beesha caalamka ku war galiyay dagaalkaasi uu sheegay in ay kusoo qaadeen dhinaca Somaliland.

Dagaalkan saakay dhax maray Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana dagaalkan uu ahaa mid xoogan oo saacado badan socday.

Comments are closed