Madaxweyne, Adigoo Xaqiijinaya Danta Dadka Iyo Dalka Waxaan Ku Soo Jeedinayaa Inaad Wax Ka Qabato Shantan Qodob !!
Hargaysa 06. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi marka hore waxaan leeyahay Allaah ha kula qabto xilka ummadu kuu dooratay ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland, mar labaadka Mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa talo-gudbin Muwaadin-nimo oo xambaarsan toosinta adeegyada Xukuumadda uga masuulka tahay shacabka iyo talo-gudbin Badhasaabyada dalka si ay horumar maamul ku samayn karaan iyo qodobbo ka mid ah adeegyada shacabka oo ka mid ahayd ballan-qaadyadii xisbiga wakhtigii ololaha doorashada Madooxtayada, sidaasi awgeed mudane Madaxweyne Adigoo Xaqiijinaya Danta Dadka iyo Dalka waxaan ku soo jeedinayaa inaad wax ka qabato shantan qodob ee talo gudbina ah, kuwaasi oo kala ah:-
- Mudane Madaxweyne qodobka koowaad, Waxa dib u habayn iyo toosin u baahan Xafiiska bixinta baasabooreada dawladda in lagu sameeyo dib u eegis sharci oo haddii ay jiraan shirkado gaara oo soo daabacaa baasaboorrada dalka, Madaxweyne waa in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda isla-markaana waa in la adkeeyo bixinta ama qaadashada baasaboorka.
- Mudane Madaxweyne, qodobka labaad waxa jirta kaadhka muwaadinimada in ay gacanta ku hayso bixintiisa iyo daabacaaddiisa shirkad gaar ah, sidaasi awgeed Mudane Madaxweyne waxa marag maddoon ah in wax maamul ama kaantarool ah oo ay ka war qabto wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose aanu jirin, sidaasi awgeed waxa lagama maarmaan ah in dib loogu soo celiyo wasaaradda arrimaha gudaha
- Mudane Madaxweyne, qodobka saddexaad ee aan soo jeedinayaa wuxuu yahay, madbacadda waxa loo aasaasay inay gaar u noqoto xafidaadda iyo daabacaadda dhukumantiyada muhiimka ah ee dawladda, sidaasi awgeed waxa xukuumadda ku waajib ah in dib u habayn lagu sameeyo, sidoo kale waa in loogu celiyo dhukumantiyada shirkadaha gaarka ah lagu siiyey sida buugaagta baabuurta, waddo-marista iyo liisamada
- Mudane Madaxweyne qodobka afaraad – mudane Madaxweyne waxa ina sugaya hawlgal adag xukuumad iyo shacab-ba, hawshaasi waa qiimo dhaca iyo sicir-bararka maceeshadda daruuriga ah, sidaasi awgeed Mudane Madaxweyne lacagtii qaranka waxa hawl-gab noqotay shan noodh oo kala ah 100 shilling, 50 Shilling, 20 Shilling, 10 Shilling iyo 5 Shilling. Shantaasi noodh waxay ka baxeen wareeggii lacagta qaranka sidaasi awgeed mushkiladda ugu wayn ee horseedda sicir-bararka iyo qiimo dhaca lacagta qaranka waa Zaadka Dollarka ah iyo E-dahabka dollarka ah. Haddaba Mudane Madaxwayne adigoo ka duulaya danta qaranka Somaliland iyo danta shacabka adigoo rumanaynaya dhaartii ahayd inaad ku hoggaaminayso qaranka caddaalad iyo sinaan, adigoo eegaya danta guud ee ka wada dhaxaysa shacabka Somaliland waxa lagama maarmaan ah in la joojiyo gabi ahaanba adeegga Zaad Iyo E-dahab oo xukuumaddii hore ku dhawaaqday bishii Juulaay in la joojiyey, sidoo kale sayladda lacagaha qalaad oo ah mushkiladda labaad ee laga abuuro sarrif bararka iyo dhabar-jebinta lacagta qaranka ee Shillinka Somaliland masuulna ay ka yihiin sareiflayaasha dalku waa in sharciyad adag lagula xisaabtamaa, waayo waxay ka gudbeen suuqa saerifka waxaanay u gudbeen ciidamo la dagaalama shillinka Somaliland oo u adeegga shirkadaha Zaadka Iyo E-dahabka.
- Qodobka shanaad, Mudane Madaxweyne dhismaha isbeddel horumar leh oo dalka iyo shacabkaba u horseeda horumar waxa baalal ama taayiro u ah dhismaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyo waaxyaha wasaaradaha oo la jaanqaadda isbeddelka Xukuumadda cusub, sidaasi darteed waxaad Mudane Madaxweyne isbeddel horumar leh ku talaabsanaysaan adiga iyo golaha cusub ee aad dhistay markay isla jaanqaadaan hoggaanka sare oo ah adiga iyo golaha wasiirrada, waaxyaha iyo shaqaalaha dawladda, sidaasi awgeed waxaan Mudane Madaxweyne kuu soo jeedinayaa in guddi aad hay’adda shaqaalaha dawladda u magacowdo kuwaasi oo aqoon iyo khibrad u leh tayaynta iyo hoggaaminta shaqaalaha dawladda, sidoo kale waxa waajib ku ah golaha xukuumadda ee aad hoggaamiso in dhiiri-galin iyo daryeel u samayso guud ahaan shaqaalaha iyo ciidamada dalka oo ah tiirarka qarannimada Somaliland.
Gebo-gabada maqaalkan talo gudbinta ah, waxaan ku soo af-meerayaa Mudane Madaxweyne inaad dhamaystirto magacaabista Agaasimayaasha iyo madaxda hay’adaha dawladda, sidoo kale waxan kuu soo jeedinayaa in badhasaabbada gobollada dalku noqdaan masuul kasoo jeeda gobolka uu madaxda ka yahay aqoono u leh bulshada gobolka iyo deegaanada uu maamulayo ee gobolka.
Sidaasi iyo Guul Iyo Horumar Insha Allah.
Wabilaahi Tawfiiq.
Mawliid Aadan Cumar