|

“Waanu Daba-galaynaa Wixii Sharci-Darro Ku Baxay Ee Dhul Iyo Dhismayaal Ah…” Wasiirka Hawlaha Guud DAAWO

Hargaysa 04. January 2018 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Maxamed Ducaale Qambi, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo saaray Wareegto uu Dad la siiyey kaga joojinayo Dhulka Danta guud ee Raasiga Berbera, kaasi oo dhawaan Dad Xukuumadihii hore siisay hawlo ka bilaabeen.

Shir-jaraa’id oo Wasiirka Hawlaha Guud ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa ayuu ku faahfaahiyey Wareegtada uu Madaxweynuhu ka soo saaray Dhulka Raasiga Berbera, waxaanu yidhi “Waxa na soo gaadhay oo Madaxweynaha Somaliland uu soo saaray oo Wareegtadeedii na soo gaadhay Dhulka Raasiga Berbera Cid isticmaali karta oo awood u leh (in aanay jirin), Ciddii Waraaqo u haysatay iyo Ciddii Ballan-qaad u haysatay iyo Ciddii si kale u soo gashay dhammaan inta dhulkaasi leeg yahay oo ah 300 Mitir in aanay Cidna ku takri-falin karin. Digreetadu waxay sheegaysaa in Dhulkaasi yahay Dhul Dawladeed oo Hantida Qaranka ka mid ah oo Cid isticmaali kartaana aanay jirin.”

Wasiirka Hawlaha guud waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Afarta bilood ee soo socda la joojiyey in la qorsheeyo Dhulka “Ummadda reer Somaliland waxaanu la socodsiinaynaa in Afarta bilood ee soo socda aanay jiri doonin dhul la qorshaynayaa, ama beeralay ha ahaado ama Dhul bannaan oo Magaaladu gaadhay ha ahaado, Dawladda Hoose-na waxaanu ka sugaynaa inay soo soo gudbiyaan waxaanu xaqa ugu leenahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay daba-galayaan wixii Dhismeyaal iyo Dhul ah ee Xukuumadihii hore sifo Sharci-darro ah ku bixiyeen  “Waxyaabo Qorsoon oo la iska bixiyey iyo meelo aanaan weli gaadhin oo amar-darro ku baxay iyaga qudhooda waanu daba soconaa oo waanu daba-galaynaa wax alaale iyo wixii Sharci-darro ku baxay ee dhul ah iyo Dhismayaal ah, meelo sidii Sharcigu ahaa aan loo bixin ah, wixii laa-laab ku jira, wixii la dhacay waanu daba soconaa.”

Comments are closed