|

Wasiirka Maaliyadda oo Kulankii Koobaad la Qaatay Shaqaalaha Waaxda Cashuuraha Berriga

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa kulankii ugu horreeyay la qaatay shaqaale waynaha waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd maamuus ay shaqaale weynuhu ugu talo galeen in ay shahaado sharafyo ku guddoonsiiyaan agaasimihii hore ee waaxda cashuuraha berriga, haatana ah wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, iyo wasiiradii hore ee wasaaradda maaliyadda.

Agaasime ku xigeenka waaxda cashuuraha berriga, mudane Khadar oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankan ay ujeedadiisu tahay in shaqaalaha waaxda cashuuraha berriga oo ah laf-dhabar uu maanta wasiirku la kulmo, iyagana uu ugu horreeysiiyay kulanada uu la yeelanayo shaqaalaha,  marka labaadna ay tahay hab-maamuus wada shaqayntii fiicnayd ee ka dhaxaysay shaqaalaha iyo agaasimihii cashuuraha berriga.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ka mahad naqay hab-maamuuska ay ku sagootiyeen shaqalihiisi hore ee waaxda cashuuraha berriga, waxaanu yidhi “ugu horrayn waxaan salaamayaa, wasiirka cusub ee maaliyadda, wasiir ku xigeenkii hore iyo madaxda cusub ee wasaaradda iyo dhamaan shaqaale weynaha cashuuraha berriga ee dalka, mar waad na sharafteen, oo waxaad nagu majeerateen shaqo wanaag, marna waxaad keenteen dalacaada aan maanta u dalacay wasiirka oo aad idinku libteeda leedihiin, anigu markaan imi waaxdan cashuuraha berriga waxa uu dakhligeedu ahaa soddon bilyan, waxaanay maanta tahay saddex boqol oo bilyan ku dhawaad, korodhka intaasi leeg waxaa keenay shaqaale waynaha cashuuraha berriga ee jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan idin leeyahay mar kasta waxay keenaysaa, maanta waxaa wasaaradda maaliyadda laga qaatay khaasatan waaxda cashuuraha berriga laba wasiir, haddii aad dedaalka laban laabaana waxaa idinka soo bixi doona shan wasiir, aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa mar labaad. Waxaanu shaqaalaha kula dardaarmay in sidii ay ula shaqayn jireen iyo si ka fiican ay ula shaqeeyaan wasiirka maaliyadda.”

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda maaliyadda  Axmed Xaashi Cabdi ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka wasiirraddii wasaaradda maaliyadda waxaan idiinka mahad celinayaa muddadii aynu wada shaqaynayay sidii hagar la’aanta ahayd ee aad noola shaqaynayseen, sharaf labaad ayay ii tahay in aan maanta idinsoo hor istaago mar labaad, waxaanan idiin sheegayaa in aad tihiin dadka ugu mudan Jamhuuriyadda Somaliland, sababta oo ah waxaad tihiin dadka soo saara dhaqaalaha ay ku shaqayso Somalilnd, aduunkana horumarkiisu wuxuu ku xidhan yahay cashuuraha berriga. Waxaanan idiinka mahad celinayaa shahaado sharafyadaa aad na siiseen.”

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in uu ka mahad celinayo kulanka shaqaale waynaha cashuuraha berriga Somaliland, waxaanu sheegay in la dhamaystiro baahiyaha kala duwan ee haysta shaqaalaha cashuuraha, sida qalabka ay ku shaqaynayaan in loo dhamaystiro, waan dareensanahay in ay taasi jirto, qorshahana ay ku jirto sannadka dambe.”

 

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in qaabka laga doonayo shaqaale weynaha cashuuraha berriga, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Kolay dawladnimadeenu waxay ku dhisnaan doontaa xog wadaag, xog ilaalin iyo wadashaqayn hufan. Cashuuraha berriga iyo nidaamka dib u habaynta maaliyadda, waa yoolka koobaad, marka laga yimaado cashuuraha kala duwan ee ay qaado wasaaraddu ee ah cashuurta toosan iyo cashuurta dadban, waxaanu lixda bilood ee ugu horreeya xoojin doonaa cashuurta, waxaanu kobcin doonaa cashuurta dadban, anagu ma doonayno in cashuurtu ay bulshada culays ku keento ama ay ka qayb qaadato sarif bararka ama sicir barar, ma doonayno in ay cashuurtu noqoto mid la iska cono oo aan waxba lagu qaban. Saacadaha shaqada waxkhito kala duwan iyo duruufo kala gedisan ayaynu ku jirnaa, Somaliland-na sannad ba sannadka ka dambeeyay ayay ka wanaagsan tahay, marka la barbar dhigo toban sanno ka hor, tusaale ahaan cashuuraha berrigu sidii ay ahaayeen, dawladdeenuna waxay ku shaqaynaysaa sarraynta sharciga, taas ayaana la inaga rabaa in aynu hirgelino, saacadaha shaqadunu waxay noqon doonaan sida uu qorayo xeerka shaqaalaha dawladdu, ummad dhan oo dhalinteedu tahay shan iyo todobaatan boqolkiiba, saddex saacadoodna ay shaqeeyaan siday ku gaadhi karaan horumar.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay baahida shaqaalaha iyo aaminaada cashuuraha lagu aaminay waxaanu yidhi “Baahida shaqaaluhu way badan tahay, hana filanina inta uu nin cadi yimaado in uu idiin dhamaystiro baahidiina, baahidu waa mid qoyseed iyo mid qaran, baahiyaha qaarkood idinka ayay idinku xidhan yihiin, qaarna masuuliyadda ayay ku xidhan yihiin, waxaan idinka codsanayaa in baahiyaha iyo aragtidiina aad qoraal iigu soo gudbisaan oo aad muujisaan. Haddii aynu iskaashano wax badan ayaynu qaban karnaa, waxaana la idiinka baahan yahay, qof waloba waxa laguu dhiibo maaha in laguu sameeyo shaqaale baadhiseed oo kala duwan, oo hanta dhawr laguu sameeyo laakiinse waa shaqsiyadaada iyo iimaankaaga oo ay ku joojiyaan. Waxaan idinka dardaarmayaa in laga wada shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa inaga oo ku shaqaynayna siyaasada madaxweynaha. Waxaynu u dedaalaynaa in aynu wasaarad ahaan abuurno wakaalada dakhli ururinta jamhuuriyadda Somaliland oo madax bannaan in aynu gaadhsiino dalka sida uu qorayo xeerka cashuuraha berriga cutubkiisa 5aad, waxaynu doonaynaa qorshayaasha ka farcamaya shuruucdaas oo dhan in aynu samayno, waxa kale oo aynu shuruucdaas ku dabakhaynaa qof kasta oo inaga mid ahi sidii uu u shaqayn lahaa, waxaanay qeexayaan qofka la rabo iyo booska lala rabo iyo aqoontiisa, qof kastana waxa aynu ku ixtiraamaynaa booska uu qaban karo, shaqaduna inoo kala xadaysnaato maamule gobol ilaa wasiir, waxaynu ku dedaali doonaa in aanu qofna ku khaldamin qof kale shaqadiisa.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay, “Halqodob aynu isla fahano, inagu waxaynu nahay shaqaale u shaqeeya ummada oo adeegayaal oo weji furan kula dhaqma dadka cashuurta bixinaya wax kasta oo ka mid ah shuruucda dalkana ummada u ban dhiga oo siiya nuqulo ka mid ah, xeerarka dadweynaha cashuurta lagaga qaadaana maaha mid sir ah, nidaamka wasaaraddu kuma xidhna albaab la bixid iyo tacadi ee waa nidaam is qancin ah, waxaan idinkula dardaarmayaa in waxa guusha keenaa ay tahay wada shaqaynta gudihiina, shaqaalaha dhexdiisa, wasaarada iyo mushtamaca aynu u shaqaynayno, iyo is qadarin, qofna ilaa uu walaalkii la jeclaado waxa uu jecel yahay mooyaane ma gaadhayo liibaan, qof kasta oo inaga mid ahi waxa uu jecel yahay nolol wanaagsan walaalkiina waa inuu la jeclaadaa taas oo kale. Waanad ka war haysaan dawladihii islaamka dhexdiisu siday isugu naxayeen. Waxaanan ku dedaali doonaa wasiir ahaan in aanay cidina dulmiyin cid kale. Haddaan maanta ogolaato in ay agaasime waaxeedyadu aniga toos iigu yimaadaan oo ay soo dhaafaan jaran jarta iga hoosaysa berri in ay madaxweynaha u tagaana waxba maaha, nidaamkeenuna waa is tixgelin. Ujeeda ugu wayn ee aynu leenahayna waa in wasaaradeena maaliyadu ay la mid noqoto wasaaradaha maaliyadda ee caalamka.”

Comments are closed