|

Maraykanka Oo Qoranaya Magacyada Dadka Kasoo Horjeeda Go’aankiisa uu Qudus ugu Aqoonsaday Caasimadda Israa’il!!

New York 20. December 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay diiwaangelinayso shaqsiyaadka iyo dalalka kasoo horjeedsada go’aanka ay ka gaadhtay arrimaha Qudus.

Hadalkan ayaa waxa uu soo baxay kadib codka la filayo in go’aankaas lagu dhaleeceeyo ee ay beri yeelanayaan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wakiilka Maraykanka ee Golaha Ammaanka Nikki Haley ayaa dalalka xusuusisay in madaxweyne Trump uu iyada faray in ay ku wargaliso dalalka kasoo horjeedsada go’aanka Maraykanka safaaradiisa ugu rarayo magaalada Qudus.

Qaraarka la horkeenay Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in Go’aankii Maraykanka ee qudus uu yahay Sharci daro.

Maqaamka magaalada Qudus ayaa udub dhexaad u ah xasaradaha mudada dher ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiniyiinta.

Israa’iil ayaa sanadkii 1967-dii dagaal ku qabsatay bariga magaalada Qudus, halkaas oo ay Jordan ka talin jirtay, waxayna u aragtaa in ay tahay caasimadeeda.

Falastiiniyiinta ayaa Bariga Qudus u aqoonsan in ay caasimad u tahay dowladda ay mustaqbalka dhisan doonaan.

Israa’iil ayaa sanadkii 1967-dii dagaal ku qabsatay bariga magaalada Qudus, halkaas oo ay Jordan ka talin jirtay, waxayna u aragtaa in ay tahay caasimadeeda.

 

Falastiiniyiinta ayaa Bariga Qudus u aqoonsan in ay caasimad u tahay dowladda ay mustaqbalka dhisan doonaan.

 

Sheegashada Israa’iil ee Qudus ayaanan waligeed la aqoonsanin caalamka oo dhan, dowladda adduunka oo dhana waxa ay safaaradahooda geysteen magaalada Tel Aviv, balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay in safaaradda Maraykanka uu u raro magaalada Qudus.

 

193-da dal ee ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa maalinka khamiista qabanaya shir aan caadi ahayn oo degdeg ah, kadib codsi ka yimid dalalka Islaamka ah iyo kuwa Carabta ah, kuwaas oo cambaareeyay go’aanka Trump.

 

Halley ayaa ka digtay in codkan uu yahay mid si shaqsiyan ah u taaban doona madaxweynaha iyo Maraykanka, islamarkaasna aanan la hilmaami doonin.

Comments are closed