Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda
Hargaysa 17. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Md: Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digreeto madaxweyne ku magacaabay duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol in uu ahaado maareeyaha Hay’adda Duulista iyo madaarada ee dalka.
Digreetada Madaxeynaha ayaa u dhignayd sidan:-
Markuu Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markuu ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markuu Sameeyey: Wada-tashi;
Wuxuu Go’aansaday;
In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland