Shirkii Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho lagu Soo Gebo-gabeeyey iyo War-Muriyeeed Ka Soo Baxay DAAWO
Muqdisho 05. December 2017 (SDN/QJ):-Shirweynaha Madasha Iskaashiga Federaalka Soomaaliya, ayaa Maanta lagu soo gebogabeeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, ka dib markii uu muddo laba maalmood ah socday Shirkaas oo lagaga hadlayey arrrimo kala duwan oo ay ugu mudnaayeen iskaashiyada dhinaca Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarinta.
Shirkaas oo uu Muqdisho ka furay Isniintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Khudbadna ka jeediyey, ayey sidoo kale ka qaybgaleen Madaxda Maamul-goboleedyada, Madaxda Dawladda iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil Beesha Caalamka Meteleyey. Shirkaas oo markii uu soo idlaaday War-murtiyeed laga soo saaray, waxa lagu faahfaahiyey muhiimadda uu shirku lahaa iyo waxa la iskula qaatay.
Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisaw), ayaa qodobbada War-Murtiyeedka Shirkaas laga soo saaray Saxaafadda u Akhriyey markii Shirkaasi soo xidhmay ka dib. Eng. Yariisow oo War-Murtiyeedkaas Warbaahinta u akhriyaya waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-