Soomaaliya oo 48 Sano ka Dib laga Bilaabay Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda & Tirada Shahaado la Siiyey
Muqdisho 03. December 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashada Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa Axaddii Maanta bilaabay diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed markii ugu horraysay muddo 48 sano ah, waxaanay ka dambaysay markii sannadkii hore uu Baarlamaanku ansixiyey Sharciga furashada Xibsiyada.
Munaasibad Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay Shahaadooyin Aqoonsi ku guddoonsiiyeen Guddiga doorashooyinku illaa 8 Xisbi Siyaasadeed, kuwaas oo noqonaya Xisbiyo ku-meel-gaadh ah, sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.
Xisbiyadan Ku-meel-gaadhka ah ee la siiyey Shahaadooyinka shalay, ayaa la sheegay in ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa in loo Aqoonsado Xisbi siyaasadeed oo ku-meel-gaadh ah. Waxaa ka qeybgalay Munaasabadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Khadar, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Xildhibaan Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku hadleysay Magaca Xisbiyada Siyaasadeed ee Ku-meel-gaadhka ah ee Shalay Aqoonsiyada la siiyey, ayaa sheegtay in dhibaato badan loo soo maray sidii dalka uu Xisbiyado Siyaasadeed uu ku yeelan lahaa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa wuxuu sheegay in nidaamka Xisbiyadda badan Soomaaliya si weyn ugu baahan tahay loogana gudbi karo wax yaabo badan oo dhibaato ku haya Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa doorashada 2020ka in ay ka dhacdo doorasho ay ku tartami doonaan Xisbiyo siyaasadeed. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, ayaa sheegtay in wakhtigan aanay ahayn Xisbiyadu kuwo dhammaystiran, balse ay yihiin Xisbiyo ku-meel-gaadh ah oo Shuruudihii looga baahnaa inay Xisbiyo dhammaystiran ugu gudbaan qaar badani ka dhiman yihiin oo aan weli la gaadhin, xilligii ay Tiro-koobi lahaayeen Xisbi waliba Dadka uu haysto ee uu Xisbi Rasmi ah ku noqonayo iyo inuu gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan wada gaadho oo maagaalo kasta Xisbigu Kun Qof oo Taageerayaal ah ka heli lahaa, balse wejigaa loo gudbi doono, noqonna doono Shuruudaha lagu kala reebayo Ururrada hadda ee Xisbiyada isu diyaarinaya.