|

Waa Maxay Rejada uu Siyaasi Cabdicasiis Samaale Ka Qabo Xukuumadda Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Soo Dhisi Doono?

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay rejada ay ka qabaan Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu Samaale ahaan ka mid ahaa Dadkii u ololeeyey ee Garab-taagnaa ee dhisay, immikana garab-taagnaan doono iyo Nooca Xukuumadda uu ka filayo inuu soo magacaabo Madaxweyne Muuse haddii Illaahay idmo marka uu Xilka la wareego.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay Qoraal lagu faafiyey blagu sheegay inuu khilaaf ka dhex-qarxay Isaga iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay inaanu jirin isku-dhac dhexdooda ah, Khilaafkaas la sheegayna uu yahay Been-abuur aan waxba ka jirin.

Waxa uu Cabdicasiis M. Samaale arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Waraysi uu Maanta Hargeysa ku siiyey Eryal TV, waxaanu yidhi; “Horta taasi waa wax lagu qoslo. Maalintii Komishanku uu ku dhawaaqay natiijada doorashada, goobtii uu kaga dhawaaqay baannu joognay Aniga iyo Hoggaanka Xisbigu-ba, Hambalyada halkaas baan ka diray, intii dabadeedna wax hadal ah maan jeedin. Waad iska ogtahay oo Ku-tidhi-ku-teenka iyo Been-abuurkaa iska badan, Qofka Bina Aadamka ahi haddaanu xishoonayn wuxuu doono wuu sameeyaa, waa Xadiis Nebiga ka sugnaaday (CS.W) Qofka aan Xishoonaynini wax walba wuu sameeyaa. Markaa, Qofku inuu waxa uu doono iska yidhaahdo, Ceeb ka wayni ma jirto. Meel aan Madaxweynaha kala hadlay runtii ma jirto, Hambalyadaa aan u diray Madaxweynaha la doortay sidaas baan ugu dirayaa, Dadkii hawshan wax kala qabtay baan ka mid ahaa, intayadii la qabatay iyo intii Codka siisayba waan u Ducaynayaa, waanan Hambalyeynayaa, Sabab aannu isu qabanno iyo mid aannu isu khilaafnaa midnaba meesha ma taallo.”

“Waxaan is-idhi malaha, markii Guushu dhalatay, Qofna way ka nixinaysaa, Qofna way ka farxinaysaa, markaa Qofkii ka naxay  baa yidhi; ‘Tolow Guushii ka naxdaye, halkeed weerarka iyo dagaalka ka bilawdaa?’ markaa guushaa dhalatay, ‘Ninkaas (Samaale) oo aad caydo oo wax ka sheeg-sheegtay kuugu badinaysaa’ buu is-yidhi, baan –is-idhi. Markaa, waa halkaasuune, waxba runtii kama jiraan, (Warka ah inaannu is-khilaafnay Madaxweynaha la doortay).” Sidaa ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Waxa uu Samaale sheegay in Madaxweynaha la doortay maanta u baahan yahay Midnimada Shacabka iyo in lala Shaqeeyo, waxaanu yidhi; “Maantana, Somaliland waxay taagan tahay marxaladdii Madaxweynaha la doortay ku u codeeyey iyo ku ka codeeyey-ba, Gacmaha inta lays-qabsado, wax lala qaban lahaa, ee wixii Somaliland u dan ah lala qaban lahaa. Markaa, Wararka noocaas ahi wax ka soo qaad malaha. Baraha Bulshaduna waxay runtii noqdeen Aafo, Dadka sida xun u adeegsanaya ayaa badan, Qofkana in been laga sheegaa ma fiicna, waana waxaan Aniga waxba I yeelaynin, Madaxweynahana waanigaa ka hadlaya ee Hambalyeynaya ee u Ducaynaya. Markaa, Qofka Warkaa beenta ah sheegay ayuun bay u xuntay Aakhiro iyo Adduunka-ba.”

Samaale wuxuu sheegay inuu Garab-taagan yahay Madaxweynaha la doortay, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha la doortay waannu garab-taagannahay, Dadkii dhisay baannu nahay, Dadkii u ololeeyey baannu nahay, sidii aannu u dhisnay ayaannu u barbar taagannahay, Xukuumad fiican baannu ka sugaynaa, Xukuumad tayo leh oo kooban, go’aankaa ay Ummaddu filayso Qof leh inuu noqdo oo Sharcigu sarreeyo sidaa la saadaaliyey ayaannu ka filaynaa oo waxyaabaha Dadkeenna ragaadiyey wax ka qabanayey inuu noqdo ee Ummaddan Cadaaladda u horseeda inuu noqdaannu u rejaynaynaa. Anigu Shaqsiyan maan Akhriyin Qoraalkaas, laakiin Taleefanno badan baa igu soo dhacay illaa xalay.”

Comments are closed