Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi oo Ilaaladda Gurigiisa Hargaysa amar ku Siiyay in aanay u soo dayn Wasiir aanu la Balansanayn & Baaxaadaga Siyaasiyiintii Rajada ka qabay!!
Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Wasiiradda Xukuumadda uu wakhtigeedu dhamaaday ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wakhtiga kala guurka ah ka mashquulay shaqooyinkii ay qaranka u hayeen.
Wasiiraddan oo dhawrkii maalmood ee ay soo baxday Natiijadda Codbixinta Doorashadii Madaxtooyadda, laguna doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu hogaamiyo Somaliland Shanta Sano ee soo socda tubnaa afaafka hore ee guriga uu degan Yahay Madaxweynaha si ay isu xasuusiyaan, ayaa mar adag lagala hor yimid.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa faray ilaaladda gurigiisa in aanay soo daynin wasiir ama masuul xil ka haya xukuumadda sii dhacaysa, kaas oo aan ogolaansho ka haysan xafiiska madaxweynaha.
Arrintan ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay dadweynaha Somaliland, kuwaas oo ka codsaday Madaxweyne Muuse in aanu xitaa kuba soo darin liiska golihiisa wasiiradda.
Geesta Kale Xubnaha Golaha Wasiiradda ee dawlada Wakhtigeedu dhamaadka yahay ee Siilaanyo ayaa Warwar xoogan ka qaba in Madaxweynaha Cusubi aanu ku soo Darin dhismaha Xukuumadiisa ee la eegayo inuu ku dhawaaqo Bisha Soo Socota ee Decembar .