|

Hadal Hayn Ku Saabsaan Xubno la Soo Weriyey inay Ka Mid Noqon Doonaan Xukuumadda Madaxweynaha Cusub ee Somaliland

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii lagu  dhawaaqay natiijada hordhaca ahayd ee komishanka doorashooyinka waxaa si aad ah loo hadal hayay masuuliyiinta ka mid noqon doono golahiisa wasiirada.

Inkasta oo madaxwaynahan la doortay ee Muuse Biixi Cabdi  ay adag tahay in la ogaado shaxdiisa  xukumadda uu dhisayo ,Haddana waxaa illaa imika xoogaysanaya wararka sheegaya in uu magacaabo mas’uuliyiintan.

Pro Maxamed Cali Bille

Pro Jamaal Cali Xuseen

Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xala-toosiye)

Maxamed Ibraahim Aadan (Qaboyo-tire)

Pro Axmed Ismaaciil Samatar oo Wararka qaar sheegayaan in Loo Qorsheeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda balse uu rabitaankiisu yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Ina dhoola yare)

Maxamed Nuur Caraale (Duur)

Wali ma cada meelaha loo magacaabayo belse shaxda wasiiradda ayaa la xoojinayaa in ay ku jiraan

Waxaa kale oo jira wasiiro kale oo uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu isagu kaligii qorshaytay oo u badan dhalinyaro Iyo waliba qaar hore xilal u soo qabtay.

Ma Jiraan ilaa iyo Hada Warar Sugan oo ku saabsan Xubnaha Golaha Wasiiradda ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland balse arrintani Waa hadal haynta ugu badan ee barkulanada Bulshadda Somaliland.

Comments are closed