|

Dumarkii U Codeeyay Madaxweynaha La Doortay Oo Codsanaya In Loogu Abaal-gudo Wasaarad U Gaar Ah

Gabiley 27. November 2017 (SDN/QJ):-Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, ayaa  lagu qabtay Munaasibad Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ugu dabbaal-degeen guushii uu Xisbigaasi ka soo hooyey Doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday Badhtamihii bishan November isla-markaana Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibaddan Dabbaal-degga ah oo ay ka qayb-galeen Maamulka Gobolka, ka degmada Gabiley iyo Taageerayaal u badnaa Haween, ayaa waxa la soo jeediyey khudbado lagu amaanayo taageerayaashii Xisbiga ee Guud ahaan Dalka ee Codkooda siiyey Musharraxiintii Xisbiga ee kala ahaa Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne-nimada Somaliland iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo Madaxweyne ku-xigeenka loo doortay.

Dadka Khudbadaha ka soo jeediyey halkaasi waxa ka mid ahaa Haween door weyn ka soo qaatay ololihii Doorashada Madaxtooyada isla-markaana dedaal badan geliyey sidii Musharraxiinta KULMIYE u guulaysan lahaayeen.

Haweenka ayaa Khudbadahooda ku soo hadal-qaaday inay doonayaan in Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi uga abaal-gudo Dedaalkoodii dhalay guusha, Aasaasana Wasaarad gaar u ah Horumarinta Haweenka Reer Somaliland, taasi oo aan hore u jirin.

Haweenay ka mid ah Dumarka Xafladdaa ka hadlay ayaa iyada oo Gacanta ku haysa Buugga uu ku qoran yahay Barnaamij-siyaasadeedka uu KULMIYE ku shaqayn doono Shanta Sannadood ee soo socda, ayaa tidhi “Madaxweyne, si looga gun-gaadho Ballan-qaadyada aad halkan (Buugga Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE) ugu samaysay Haweenka oo looga midho-dhaliyo, waxaanu codsanaynaa in la sameeyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka, si guulihii Haweenku soo hooyeen loogu abaal-gudo.”

Comments are closed