Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Mudane Samaale oo Buriyey In Khilaaf soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Madaxweynaha La Doortay DAAWO
Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay Doorashadii Dalka ka dhacday badhtamihii bishan November, waxaanu Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici.
Cabdicasiis Samaale oo ahaa Guddoomiyihii Guddigii soo xushay Muraaqibiintii Xisbiga KULMIYE ee doorashada, ayaa Wareysi uu siiyey Telefiishanka Eryal Maanta wuxuu hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Shacabku doorteen.